Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada Qaranka Somaliland ayaa saaka xukun ku riday dhammaan Eedaysanayaashii geestay dilka Marxuum Buux Mawliid Ismaciil oo dhawaan lagu dilay Magaalada Gabilay .
Maxkamada ayaa dil ku xukuntay eedaysane Saalax Isaaq oo ay ku heshay inuu dilka geystay .
Sidoo kale maxkamada ayaa xukuno u dhaxeeya 13 sanno ilaa 4 Sanno ku kala xukuntay 6 Eedeysane oo kale kuwaas oo lagu helay in ay gacan siiyeen dilka gacan ku dhiiglaha.